Saaraakiisha Ciidamada Dowlada Oo Sheegay In Shabaabka Ay Ka Fara Maroojiyeen Deegaanka Biyo,Cadde.

0
509

Weerar Ay Ciidamada Dowladda Federaalka Ah Ee Soomaaliy Ku Qaaday Deegaanka Biyo Cadde, ayaa Saraakiishii Horkacayay Howlgalka Wexey xaqiijiyeen inay goor dhow dagaal kula wareegeen Deegaankaasi, markii ay sheegeen inay ka saareen Ururka Al Shabaab Iyadoona Deegaanka Biyo Cadde ay qiyaastii 40km dhinaca bari kaga aadan tahay Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe oo muddo billo laga jooggo, bilaa dagaal looga qabsaday Ururka Shabaabkii Heystay.

Sidoo Kale Maxamed Maxamuud Garabeey oo kamid ah Saraakiisha Dowladda ee hawlgalka hogaamineysa ayaa wuxuu daboolka ka qaaday inay la wareegeen Deegaanka Biyo Cadde Wuxuuna Sarkaalkani sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka, oo wata gaadiidka dagaalka, ay jiireen Xoogagii Shabaabka Ahaa ee horey ugu sugnaa Deegaankaasi, ayna hadda ku sugan yihiin Ciidamada Dowlada.

Col.Garabeey Ayaa Xusay Biyo Cadde Dadka Dagan Iney si diiran u soo dhaweeyeen, xilli uu sheegay inay dhibaato daran ku qabeen Xoogaga Shabaabka Ahaa Ee Horey U Heysatay Deegaankaasi.