Uhuru Kenyatto, Madaxweynaha Dowladda Kenya ayaa wuxuu caawa ku dhawaaqay in Ciidanka Difaaca ee Kenya, ay soo gaba gabeeyeen hawlgalkii Suuqa ganacsiga ee Westgate Iyadoona Madaxweynaha uu sheegay in la wiiqay Xoogagii weerarka hubeysan, Sabtidii Ku Soo Qaaday Dhismaha Westgate.
Sidoo Kale Madaxweyne Uhuru Kenyatta, ayaa wuxuu xusay in la dilay inta badan Xoogagii hubeysnaa ee weerarkaan geystay, isla-markaana ay Ciidanku bilaabeen inay isku ballaariyaan Dhismaha Qeybaheeda Kala Duwan.
Wuxuu Madaxweynaha,Qiray inay jiraan 11 ruux oo ay gacanta ku soo dhigeen, kuwaa oo ay la xiriirinayaan weerarka qorsheysan ee daartii ganacsiga ee Westgate lagu Qaaday Isagoona tilmaamay inay jiraan meydad fara badan, oo ku dhex jira Dhismaha burburay ee Westgate, isla-markaana ay gurmad xoogan u fidin doonaan meydadkaasi waxa uuna xaqiijiyay in Ciidamada Dowladda Kenya, weerarkaan looga dilay ilaa 11 askari, iyana ay dileen shan kamid ah kuwii weerarka geystay.