Kulan Maanta Ay Yeesheen Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya Ayaa Waxa Ay Dhaliil U Soo Jeediyeen Xukuumada Federaalka Oo Hogaanka U Hayo Ra’iisul Wazaare Saacid Iyadoona Uu Kulanka Shir Gudoominayey Afahayeenka Baarlamaanka Prof. Max’ed Sheikh Cusmaan Jawaari.
Xildhibaanada Ayaa Waxa Ay Ku Nuux Nuuxsadeen In Xukuumada Saacid Ay Dalka Ka Soo Bandhigin Wax Qabad Wanaagsan Taasoo Ay Ku Sheegeen Waziirada Saacid Aqoon Dari Iney Heysato Ayna Mudantahay In Dib U Eegis Lagu Sameeyo C.V,Ga Ama Codsiyadii Ay Ku Qabteen Xilalka Ay Haatan Hayaan Waqtigaan Wixi Ka Bilowdana Ay Uruuri Doonaan C.V,Yada Waziirada Saacid.
Hadalkani Ka Soo Yeeray Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya Ayaa Imaanaya Xilli Dhawaan Xukuumada Saacid Ay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho Iyagoo Aan Loo Ban Dhigin Baarlamaanka Ku Wareejiyeen Shirkad Turkish Ah Horeyna Kaga Qaaday Shirkada S.K.A Oo Horey Iyada U Heysay Maamuli Jirtay Taasina Ay Sababtay In Ka Caroodaan.