Dowlada Kenya Oo Shaacisay Iney Xaqiisay Guud Ahaan Xarunta Westgate Mall ,Soona Badbaadisay Dadkii Meesha Lagu Heystay.

0
405

Joseph Ole Lenku, Xoghayaha arrimaha gudaha ee Kenya oo goor dhow Saxaafada kula hadlay Magaalada Nairobi, ayaa wuxuu sheegay inay ka itaal roonaadeen raggii Shabaabka ka tirsanaa Iyadoona Uu Xoghayaha intaa ku daray inay Ciidankoodu gacanta ku dhigeen Dhismaha oo idil, ayna isku wada fidiyeen qeyabaha kala gedisan ee Dhismaha, Wuxuuna tibaaxay inay soo badbaadiyeen inta badan dadkii afduubka loogu heystay Dhismahaan.

Sidoo Kale Joseph Ole Lenku, ayaa ka gaabsaday tirada inta la dilay wuxuuna sheegay inay toogasho ku dileen laba kamid ah raggii Shabaabka ka tirsanaa ee weerarka soo qaaday, balse muusan kala cadeyn halka ay marayn kuwii kale, ee la socday Ragaasi Dhowrka Maalmood Ku Jiray Dhismaha.

Marka Laga Reebo Hadal Masuulka Ayaa Waxa Jirto Qaraxyo waaweyn oo gil gilay Dhismaha,waxaana loo maleynayaa inay ahaayeen kuwo Ismiidaamin ah, oo ay fuliyeen Xoogagii hubeysnaa, ee weerarkaani soo qaaday Iyadoona Qiiq xoogan ay Hareereeyay xaafadda Westland, oo uu ku yaalo Oo Ah Suuqa ganacsiga ee Westgate Mall,Narobi.