Sheegashadii ciidamada dalka kenya ay sheegeen in ay soo afjareen heysashadii xarunta ganacsiga westgate oo beenowdey.

0
518

Waxaa been iyo waxba kamajiraan noqotey sheegashadi ay sheegeen ciidamada kenya xaley saqdii dhexe taas oo ay ku sheegeen in ay soo afjareen heysashadii ay alshabaab heysteen xarunta ganacsiga westgate.

Ilaa iyo hada waxaa xarunta gacanta ku haya dagaalyahanada alshabaab oo iyagu sheegtey in ay ka danbeeyaan qabsashada westgate oo nin yuhuudi ahi lahaa,waxaana aduunka isaga yimid dawlado badan oo sheegey in ay gacan ka geysanayaan soo afjaridda afduubayaasha,weyna u taag la’yihiin.

Sidoo kale waxaa iyaduna waxba kama jiraan noqotey in gacan la weydiistey nabadsugida soomaaliya oo warar leyla dhexmarayey ay sheegayeen in koox ciidamada alfa group katirsan loo direy dalka kenya,markii aan dabagal ku sameyney arrinkaasi waxa uu noqdey been iyo waxaan jirin.

Waa habeenki afraad ee ay dagaalyahanada alshabaab gacanta ku hayaan dhismaha westgate mall,waxeyna imaneysaa iyadoo dagaalyahanada alshabaab ay wali kusii hanjabeen in meelo kale oo magaalada dhexdeeda ah ay ka fulindoonaan qabsasho sidan oo kale ah,waxaana dhici kara qaraxyo teel teel ah oo lagu cabsigelinayo xukuumada dalka kenya oo awoodeeda maanta la ogaadey.