Mid Ka Mid Ahaa, Saraakiisha Amniyaad Maamulka Jubba Oo Maantey Lagu Dilay Gudaha Magaalada Kismaayo.

0
472

Magaalada Kismaayo Wararka ka imaanaaya ayaa waxay sheegayaan in maanta lagu dilay Madaxii Ciidamada Amniyaadka ee Maamulka Jubba Iyadoona Ninkaani ay dadka reer Kismaayo u garanayaan {Ganey} Waxaana lagu dilay Xaafadda Calanley ee Magaalada Kismaayo.

Dilka Sarkaalkaani, ayaa la Sheegay in uu salka ku hayo, arrin la xiriirta xagga beelaha, oo maalmahaanba ka taagneyd Magaalada Kismaayo Iyadoona Dadka reer Kismaayo, ay hadal hayaan dilalka maalmahaanba ku soo badanayay Magaalada Kismaayo, ee u dhaxeeya beelaha qaar ee halkaasi wada degga Iyadoona Dilkaani Uu Imaanayo Xilli C/laahi Khaldaan iyo Yaasiin Raadeer, oo labaduba kamid ah Saraakiisha Maamulka Jubba Habeenkii xalay la weeraray guryaha ay ka degan yihiin Magaalada Kismaayo.