Taliyaha hugaanka ilaalada waddooyinka booliska soomaaliyeed gen. Cali Xirsi Barre oo sheegey in furayaan waddooyinka dhagxanta lagu xirey.

0
517

Go’aankan uu maanta shaaciyey taliyaha hugaanka ilaalada booliska soomaaliya (tarafiko) gen. Cali Xisi Barre ayaa ah mid lagu furayo wadada isku xirta k4 iyo airporka loogana qaadayo biro iyo dhagxaan wadada la dhigey kuwaasoo taliyuhu sheegey in aaney war u heynin cidda dhigtey iyo sababta ay u dhigeen ayna iyagu wadooyinka masuul ka yihiin cidnana laga ogolaandoonin in ay waxey rabto sameyso.

Hadalkan maanta uu jeediyey general cali xirsi barre cali gaab ayaa waxaa soo dhaweeyey madaxda xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed oo hore wasaarada arrimaha gudaha iyo amniga qaranka codsi ku wajahan in waddooyinka la furo u gudbiyey taasoo ay ku tilmaameen talaabo wax ku ool ah iyagoo si gaar ah ugu mahadnaqey general cali xirsi barre sida hawl karnimada leh ee uu hawlaha qaran u qabanayo,loona baahanyahey in lagu deydo oo daacadnimo dalka loogu adeego abaalmarinteedana uu helayo qofkii bulshada ugu adeega si daacad ah.

Hawshan lagu burburinayo biraha wadada laga mudey ayaa imaneysa xili dadka soomaaliyeed ee barakacayaasha ah laga kiciyey wadooyinka xaafadaha dhexdooda ah iyadoo uu genanku sheegey in aan cidna laga ogolaaneyn in ay waxey doonto sameyso wadooyinkana lawada furayo lagana qaadayo dhagxaanta ay dadka qaar sheegayaan in amniga ay wax ka tarayaan balse hadii ay yihiin ciidanka ilaalada wadooyinka ay u arkaan in dhagxaantani ayba amniga caqabad ku yihiin,isagoo ugu danbeyntii general Cali gaab sheegey in wadada km4 ka tagta ee airporka aadda ay hadda kadib tahey one way oo micnuhu yahey baabuurta u socota airporka ayaa mareysa wixii airporka iyo ka shishey ka yimaadana waa in ay la leexdaan wadada jeyga ah ee ku dhaceysa iskuul 21 octobar,gaadiidka dadweynuhu isagu waa ka mamnuuc,ayuu yiri gen. Cali xirsi barre
Taliyaha hugaanka ilaalada wadooyinka booliska soomaaliyeed (trafiko).