Wufuudii ka socotey dawlada federalka soomaaliya uuna hugaaminayey wasirudawlaha madaxtooyada faarax shekh c/qaadir ayaa dalka dib ugu soo laabtey,iyagoo sheegey in ay aad ugu faraxsanyihiin sida heshiisku u dhacey.
Wasirudawlaha faarax sheekh c/qaadir oo saxaafada kula hadley garoonka Aadan cadde ee magaaladan muqdisho ayaa yiri waan ku faraxsannahey heshiiska dhinaca dawladda federalkuna wey fulineysaa heshiiska hadii alle idmo,intii gacan ka geysateyna waan u mahad celineynaa.
Soo noqoshada wufuuda heshiiska soo saxiixdey ayaa kusoo beegantey iyadoo golaha xukuumadu heshiiska taageereen,shir ay ku yeesheen xafiiska r/wasaaraha soomaaliya dr saacid,sidoo kalena banaanbaxyo shirka lagu ayidayo ayaa kismaayo ka dhacey.