Wufuudan oo ay horkaceysey wasiirada arrimaha debedda fawsiya xaaji aadan ayaa kasoo degey garoonka diyaaradaha Aadan cadde iyagoo kadib imaatinkooda saxaafadda la hadley ayey wasiirad fawsiya sheegtey in ay ka yimaadeen booqasho rasmi ah oo ay ka heleen dalweynaha China.
Fawsiya xaaji aadan ayaa tiri waxaan aad ugu faraxsannahey booqashada aan ku tagney CHINA waxaan booqaney gobollo badan oo china ah,waxaana naloo balan qaadey in wax badan wada qabsan doono,aad ayaanan uga habsaaney xiriirka dalka china africana si aad ah ayey u daneynayaan.
Talaabadan ay dawladda uu hugaamiyo m/weyne xasan sheekh kula xiriirtey dalka china ayaa u eg in soomaaliya ay weysey saaxiib run ah kana weysey mareykan yurub iyo carabta eeshiya,waxeyna keeni kartaa maseyr iyo ficilo cusub oo lagala kulmo dalalka reer galbeedka.
Dawlada hada kajirta soomaaliya oo ay sheegeen dalalka galbeedku in ay tahey dawlad rasmi ah ayaaney hadana ula dhaqmeyn sidii dawlad rasmi ah,waxeyna deeqaha usoo mariyaan NGO iyo hey’ado kuwa qaramada midoobey ama kuwa dawliga ah taas oo ah mida kala dhantaaleysa awooda dawladnimo iyo in gobolada dalka oo dhan laga dareemo dawlada federalka soomaaliya.