Banaanbaxan lagu taageerayey heshiiska ay gaareen dawlada federalka iyo maamulka kmg juba ayaa ka dhacey magaalada kismaayo,waxaana ka hadley maamulka kmg madaxdiisa iyo xildhibaano kasoo jeeda jubooyinka.
Xildhibaan c/rashiid xidig oo ka qeyb galey banaanbaxa ayaa sheegey in ay tahey wax lagu farxo mar hadii masawirka m/weynaha mudane xasan sheekh maxamud uu meel kasta maanta ku dheganyahey,dadkuna wada sitaan,isagoo ula jeeda in madaxweynaha iyo xukuumadaba ay dagaal kula jireen maamulka axmed madoobe ee hada ay dawladu u aqoonsatey in uu noqdo maamul kmg oo muddo 2 sano ah uu hugaamiyo axmed madoobe.
Waxa uuna banaanbaxan lagu taageerayo heshiiska shaley lasoo gabangabeeyey imanayaa iyadoo jiraan kala aragti du wanaansho bulshada qeybaheeda kala duwan,shaki badana laga qabo hirgelinta heshiiskaas ay wada saxiixdeen dawlada dhexe iyo maamulka kmg ee jubba.