Wasiirka arimaha dibada dalka Uganda, Sam Kutesa ayaa dalbaday in la balaariyo tirada ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ee Soomaaliya, si ay ula wareegaan fariisimaha kale ee wali gacanta ugu jiro Alshabaab.
Wasiir Kutesa ayaa hadal jeediyay kadib markii maalinti shalay uu ka qeyb galay kulanka wasiirada arimaha dibada ee dalalka ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya, kaasi oo ka dhacay magaalada Kampala.
Wuxuu sheegay in ciidamada AMISOM sanadkii lasoo dhaacay ay sameeyeen horumar, ayna ugu wacan tahay kordhinta ciidamada oo la gaarsiiyay 17,731 askari halkii ay ka ahaayeen 12.000 oo askari iyo waqti kordhintii loo sameeyay.
Wasiirka arimaha dibada ayaa cadeeyay in loo baahan yahay kordhinta ciidamada oo la gaarsiiyo 20,000 oo askari, si ay u suurto gasho in ciidamada Alshabaab laga saaro deegaanada ay gacanta ku hayaan, sida uu hadalka u dhigay.
Ciidamada AMISOM ayaa Soomaaliya yimid sanadkii 2007, waxaana wadamada Uganda iyo Burundi ay yihiin wadamo ay ka joogaan ciiidamada ugu badan ee AMISOM, iyadoo dalalka Kenya, Sierra Leone iyo Jabuuti ciidamo ay ka joogaan dalka Soomaaliya.
– See more at: http://raadraacnews.com/Raadraacnews/2013/08/uganda-oo-dalbatay-in-amisom-la-kordhiyo/#sthash.w7phpAiG.dpuf




