Guddoomiyaha degmada Dayniile oo ka badbaaday qarax lagu weeraray gaadiid uu la socday.

0
845

MinoQarax xoogan ayaa ka dhacay maanta degaanka Gubta oo ka tirsan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir kaasoo lala eegtay gaadiid uu la socday gudoomiyaha degmada dayniile ee magaalada Muqdisho.
Gudoomiyaha degmada Dayniile Xiirey Muxyadiin oo la hadlayey weerarkaas ka dib warbaahinta ayaa sheegay in qaraxaas loo adeegsaday miino la aasay oo lal eegtay sadex gaari oo ay la socdeen isaga iyo gudoomiyeyaal kale oo ka tirsan degmooyinka Muqdisho.
“Meel u dhow Idaacaddii Hornafrik markii aan mareynay ayuu qaraxaas nagu qabsaday, mana jirin wax khasaare ah oo naga soo gaaray naf iyo maal intaba, hase ahaatee qof rayid ayaa si xun ugu dhaawacmay” ayuu intaa ku daray gudoomiyaha.
Warar madax banaan oo laga helayo dad goob joogayaal ah ayaa sheegaya in miinadaas ay waxyeelo xoogan u geysatay mid ka mid ah gaadiidka ay la socdeen masuuliyintan uuna yaalo illa hadda goobtaas, hase ahaatee waxaa arintaas beeniyey gudoomiyaha degmada Dayniile.
“Qaraxa ka dib waxaan sameynay howlgal goobtaas ka dhacay oo aan ku soo qabqabanay todobo qof oo shan ka mid ah la xaqiijiyey iney Al-shabaab ka tirsan yihiin, qaarkoodna ay qirteen iney qaraxaas ka dambeeyeen” ayuu intaa ku daray gudoomiyaha degmada Dayniile Xiirey Muxyadiin.
Ma’ahan markii ugu horeysay ee qarax noocan noocan ah lagula eegto masuuliyiin gudaha degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho dhowaan ayeyna aheyd markii markii gaadiid ay wateen masuuliyin ka tirsan gobolka Banaadir qarax dhimasho iyio dhaawac sababay lagula eegtay degmadaas.