Magaalada Kampala ee dalka Uganda waxaa maanta si rasmi ah kaga furmaya shir ay wada yeelanayaan madaxweynayaasha ciidamada ay ka joogaan dalka Soomaaliya iyo madaxweynaha dalkiisa ciidamada ay joogaan ee Xasan Sheikh Maxamuud.
Kulanka maanta ayaa ah mid ka duwankulankii shalay, iyadoo la doonayo in looga hadlo arimaha amaanka iyo ciidamada AMISOM.
Sidoo kale madaxweynayaasha ayaa ka wadahadli doona eedeymaha ciidamada Kenya ee looga gudbiyay midowga Africa oo ku aadan inay dhibaato ka geysteen dalka Soomaaliya ayna la kala safteen beelo daga deegaanada Jubbooyinka.
Kulanka kadib waxaa la rajeynayaa in laga soo saaro qodobo lagu hishiiyay, waxaana kulankaasi uu socon doonaa muddo seddex maalin ah.
Shirkaan waxaa ka horeeyay shir maalintii shalay ay yeesheen wasiirada arimaha dibada ee dalalkaasi, kaasi oo ahaa mid hordhac ah oo ay yeelanayeen masuuliyiintaasi.
– See more at: http://raadraacnews.com/Raadraacnews/2013/08/shirka-arrimaha-ciidamada-amisom-oo-maanta-ka-furmaya-kampala/#sthash.p1tbVBFx.dpuf




