Masuul Ka Tirsan Al-shabaab Oo Sheegay In Ciidamada Nabad Sugida Ay Ku Fashilmeen Sugida Amniga Muqdisho.

0
542

Wakiilka Xarakadda Al-Shabab U Qaabilsan
Gobaladda Baay iyo Bakool
Sheekh Mahad oo la hadlayey
Boqoolal Dadweyne ah oo ku
dhaqan Magaaladda Xuddur ee
xarunta Gobalka Bakool ayaa
waxaa uu sheegey in 2 sano
kadib xaaladda Muqdisho ay
tahay mid sii xumaaneysa Islamarkaana Ay Sii Wadayaan Weerarada Ay La Bartilmaamedsanayaan Dowlada.

Xarakadda
Al-shabaab ayaa waxa Ay
sheegeen in hay’adda Nabad Sugidda ay gaabisey
Shaqadeeda isla markaana
Magaaladda Muqdisho
Amaankeeda uu yahay Mid aan
la isku haleyn karin.

Amaanka Magaaladda Muqdisho
ayaa waxaa uu sheegey in aan la
isku haleyn karin isagoona
tusaale u soo qaatey in naagta
Shaaha Gada aysan isku halen
karin halka ay ku
ganacsaneyso Taasina Masuuliyadeeda Ay Leedahay Dowlada Maadaama Buu Yirr Ay Naga Adkaanweysay.