Maamulka Puntland Oo Dib U Soo Celisay Markab Gar Gaar U Siday Shacabka Ku Baahan Deeganadaasi.

0
563

Puntland ayaa waxay maanta ku
dhawaaqday inay dib u celineyso
markab gargaar siday, una
rarnaa Hay’adda Bisha Cas ee
Wadanka Turkiga, iyadoo
gargaarka oo raashiin ahaa
loogu talla galay in loo qeybiyo
dadka ku dhaqan seddex kamid
ah Degmooyinka Puntland Oo Uu Maamulo Mr.Faroole.

Sidoo Kale Puntland ayaa waxay wax
siyaadeysan ku tilmaamtay
tallaabada xilligaan markabka
gargaarka ah loogu soo diray
Deegaanada Puntland, xilli
Puntland ay ku dhawaaqday inay
xiriirka u jartay Dowladda
Federalka ee Soomaaliya.

Waxaa La Ogsoonyahay in
Deegaanada Puntland, ay ka jirto
abaaro, dadkuna ay u
baahnaayeen gargaarka uu dib u
celiyay Maamulka Puntland C/raxmaan Faroole Waxaana Maamulka
Puntland looga baahneyn
tallaabada uu ku dhaqaaqay, xilli
dadka reer Puntlan
ay baahan Yihiin.

Falkaani Lagu Soo Celiyey Markabkani Gargaar Ayaa Imaanay Xilli Dhawaan Ay Maamulka Puntland,
Dowladda Turkiga uu ku eedeeyay, inay gargaarkeeda ku
koobtay Magaalada Muqdisho.