Xasan Sheikh Max’ud Oo Gudoomiye Cusub U Magacaaway Gobolka Gal-Gaduud.

0
536

Xasan Sheekh Max’uud Madaxweynaha Dowladda
Federalka ee Soomaaliya ayaa
wuxuu maanta uu Gudoomiye u
magacaabay Gobolka Galgaduud,
oo dhaca Bartamaha Soomaaliya
Waxaana Wareegto ka soo baxday Xafiiska
Madaxweynaha Soomaaliya,Gudoomiyaha Maamulka
Gobolka Galgaduud ee Dowladda
loogu soo magacaabay Xuseen
Cali Weheliye “Cirfe”.

Sidoo Kale Wareegtada ayaa waxaa lagu
sheegay in uu waqtigiisu
dhamaaday Gudoomiyihii hore
ee Gobolka Galgaduud Axmed
Yuusuf Xasan “Ciyow”, taasina ay
keentay magacaabista
Gudoomiyaha cusub Iyadoona
Sidoo kale wareegtada lagu xusay in la soo
dhoweeyo, lana tix geliyo
magacaabista uu Madaxweynuhu
Gudoomiyaha Gobolka
Galgaduud ugu magacaabay
Xuseen Cali Weheliye.

Ninka la soo magacaabay oo ka
tirsan Siyaasiyiinta ka soo jeeda
Gobolka Galgaduud, ayaa wuxuu
horey uu uga arrimin jiray
Degmada Afgooye.

Culumaa’udiinka Ahlu Sunada Gobolada Dhexe
ayaa waxay toddobaadkii hore
ay ka digtay in Gudoomiyaha
Gobolka Galgaduud loo soo
magacaabo xubin aan ka
tirsanayn Ahlu Sunna Waxaana Uu
Gudoomiyaha Guud ee
Culima’udiinka Ahlu Sunada
Gobolada Dhexe Macalin
Maxamuud Sheekh Xasan Faarax, sheegay inaan
Gudoomiyaha Gobolka
Galgaduud loo soo magacaabi
karin xubin aan ka tirsaneyn Ahlu
Sunna Wal Jamaaca.