Kulankan oo ay kasoo qeyb galeen qeybaha bulshada uuna soo qabanqaabiyey taliska ciidanka booliska soomaaliyeed ayaa ka dhacey dugsiga sare ee jeneral kaahiye ama ex iskool boliisiya.
Kulankan oo uu goobjoog ah wasir kuxigenka wasarada arrimaha gudaha Jaamac Odey iyo taliyaha ciidanka boliska soomaaliyeed jeneral Saacid ayaa waxaa looga gol lahaa sidii wadashaqeyn iyo isfaham ay u dhexmari lahaayeen bulshada iyo booliska si loo xaqiijiyo nabadgelyada iyo xasiloonida,ayaa waxaa hadallo ka jeediyey taliyaha ciidanka boliska jeneral saacid iyo w/kuxigeenka wasarada arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Jamac Odey iyo madax kale.
Shirkan boolisku u qabtey bulshada ayaa kusoo beegmaya iyadoo shaley wareegto m/weyne lagu magacaabey gudiga sare ee amaanka qaranka oo ka kooban m/weynaha,r/wasaaraha iyo xubno wasiiro ah,waana markii ugu horeysey ee ay bolisku qaadaan talaabadan oo kale.