Heshiiskan lagu soo gabangabeeyey dalka ethiopia magaalada adisababa ayaa sida ku qoran waxaa lala saftey maamulka axmed madoobe waxaana leys dhihi karaa hadiiba dawlada federalku ogolaatey qodobadan maxey axmed madoobe amaradiisa u qaadanweysey intaan dagaal ka dhicin jubooyinka.
Qodobada heshiiska oo ka kooban dhawr iyo toban qodob ayaa waxaa ugu muhiimsan:.
1 in maamul kumeel gaar ah oo axmed madoobe madax u yahey mudo labo sano ah dawlada dhexe aqoonsato.
2 in dekedda kismaayo muddo lix bil ah uu maamulo axmed madoobe kadibna dawlada lagu wareejiyo.
3 in airporka muddo hal bil ah axmed madoobe maamulo kadibna dawlada lagu wareejiyo.
4 in sadexda gobol loo magacaabo gudoomiyeyaal hoos tageya axmed madoobe.
5 in axmed madoobe soo dhiso gudiga fulinta iyo barlamaanka maamulka kmg ee juba.
6. In la qalabeeyo maleeshiyaadka ciidamada qarankana lagu daro.
7 in muddo labo isbuuc gudahood ah lagu kala qabto kismaayo iyo muqdisho shirar dib u heshiisiin ah.
Iyo kuwo kale oo aan nuxur sidaas usii weyn laheyn.
Heshiiskan oo dawlada federalka uu u saxiixey wasiirudawlaha madaxtooyada Faarax sh C/qaadir halka maamulka kmg ee jubana uu u saxiixey shekh axmed madoobe,waxaa goobjoog ka ahaa Igad,africa,midawga yurub iyo ergeyga qaramada midoobey nikaleskey,waxaana hirgelinta heshiiskan masuul ka ah dawladda ethiopia marka waa gobolo ay qaadatey ethiopia oo la ogyahey xadgudubyada iyo xasuuqa ay u geysatey shacabka soomaaliyeed mana aha mid u dhaqangelaya sida wax loo qorqorey ethiopia kama noqon karto masuul maamulka gudaha soomaaliya,waxeyna dooneysaa in gobolada dhexena ay ka sameyso mid sidaas oo kale ah oo ay iyadu kuligood wada maamusho,mana dhaceyso insha allaah.




