Waxaa allaha u naxariistee ku geeryoodey deg.kaxda taliyihii ciidanka nabadsugida degmada kaxda oo lagu magacaabi jirey Khaliif.
Taliyaha iyo ciidan kale ayaa ku dhintey weerar gaadmo ah oo ay ku qaadeen dagaalyahano ka tirsan Alshabaab,waxaana deg. KAXDA ay aheyd meel ciidanka nabadsugida ay doonayeen in ay ka hawlgalaan fariisin cusubna loo sameeyey.
Degmada kaxda oo ah degmada 17’aad ee gobolkan banaadir isla markaana ka baxsan magaalada qeybaheeda sida fudud leysaga gurman karo,in mudo ahna waxay ahey degmo amaan ah,haseyeeshee waxaa ka caroodey fariisinka ay nabadsugidu ka sameystey degmada dagaalyahanada xarakada alshabaab oo meelo aan degmada ka fogeyn jooga.