Maamulka Ahlu Sunna Walajamaaca ee gobolada dhexe ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay inay guul dareysatay fulinta heshiisyadii horay u dhexmaray labada dhinac, waxayna ku baaqeen inay fuliyaan heshiisyadaas.
Guddoomiyaha sadexda gole ee ahlu sunna Sheekh Ibraahim Guureeye oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dowladda Xasan Sheekh looga fadhiyo inay si deg deg ah ku fuliso heshiisyadaasi haddii kale ay u jari-doono xiriirka wada-shaqeynayd ee ay la leeyihiin.
Sidoo kale Sheekh Ibraahim Guureeye waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay uga fadhiyaan in isku shaandheynta golaha wasiirada marka la sameynayo la siiyo wasiiradii ay ku lahaayeen Xukuumadda, isagoo ku hanjabay in haddii wasiiradooda la siin-waayo ay xiriirka wadashaqeyn iyo iskaashi u jari-doonaan dowladda Soomaaliya, isla markaasna wax wadahal ah oo dambe aysan la yeelan doonin sida uu yiri.
“Waxaan ka warsugeynaa oo keliya isku shaandheynta soo socota ee la sugayo, marka ay isku shaandheyntaasi dhacdo haddii wasiir aan ku yeelan weyno waxaan kalsoonida kala laaban doonaa dowladda Soomaaliya, waxaana idiin sheegayaa inaan xiriirka u jari-doono, waayo heshiisyo badan oo aan horay ula galnay dowladda way fulinweysay, laakiin dhinaceena heshiisyadaasi way ka fuleen” ayuu yiri Sheekh Guureeye.
Hadalka Ahlu Sunna ayaa ku soo beegmaya iyadoo Guddoomiyaha guud ee Ahlu Sunna Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax uu ku dhawaaqay inay maamul goboleed ay ka sameynayaan gobolada dhexe iyo Hiiraan, isagoo aan soo hadalqaadin heshiiskii horay u dhexmaray dowladda iyo Ahlu Sunna oo ahaa in deegaanada ay maamulaan ay ku wareejiyaan dowladda dhexe ee Soomaaliya




