Guddoomiyaha cusub ee gobolka Galgaduud oo gaaray Guriceel.

0
573

Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha cusub ee gobolka Galgaduud, Xuseen Cali Wehliye (Cirfe) ayaa maanta ka degay garoonka diyaaradaha ee degmada Guriceel.
Xubnaha wafdigiisa waxaa ka mid ah abbaandulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdirsaaq Khaliif Cilmi, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Ahlu Sunna Wal-jamaaca iyo mas’uuliyiin kale.
Mas’uuliyiin ka tirsan maamullada degmooyinka Galgaduud iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa wafdiga ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee degmada Guriceel.
Jeneraal Cabdirsaaq Khaliif oo warbaahinta kula hadlay Guriceel ayaa ujeeddada socdaalkooda ku tilmaamay mid lagu dhammeystiri rabo wada-hadalladii horey u dhex maray dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Ahlu Sunna Wal-jamaaca ee gobollada dhexe.
Guddoomiyaha cusub ee Galgaduud Xuseen Cali Wehliye (Cirfe) oo isna saxaafadda la hadlay ayaa uga mahad-celiyay dadkii ku soo dhoweeyay garoonka, isagoo sheegay in howsha ugu horreysay ee maamulkiisa uu qaban doono ay tahay sidii loo horumarin lahaa gobolka.
Waxaa xusid mudan in hal qof uu ku dhaawacmay diyaaraddii sidday wafdiga kaddib markii diyaaradda ay ka sidbatay waddada dheer ee ay ku caga dhiganeysay.
Qofka dhaawacmay waxa uu ka tirsanaa shaqaalaha diyaaradda, waxaana gaaray dhaawac sahlan, sida uu warbaahinta u sheegay guddoomiyaha cusub ee gobolka.