Wasiirka Gaashandhigga oo Sheegay in Caddaaladda la horkeeni doonno Askarigii dhaawacay Taliyihii Guutada 2-aad oo Maanta u geeriyooday Dhaawacaas.

0
567

Taliyihii guutada labaad ee ciidamada xoogga dowladda Soomaaliya, Gaashaanle sare Cali Guure Afdhuub ayaa maanta magaalada Muqdisho ugu geeriyooday dhaawac gaaray xilli ay dhowaan ciidamada howlgallo amni ku howlanaayeen.

Allaha u naxariistee marxuumka waxaa maanta lagu aasay qabuuraha isbitaalka Madiina ee magaaladda Muqdisho.

Wasiirka gaashaandhigga ee xukumadda Soomaaliya Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo ka qayb-galay aaska marxuumka ayaa sheegay inay caddaaladda hor keeni doonaan askariga ka dambeeyay falkaas uu ku dhintay taliyaha guutada labaad ee ciidamadda dowladda.

Taliyaha ciidamada xoogga ee dowladda Soomaaliya Jeneraal Daahir Aaden Cilmi oo isna ka qayb-galay aaska marxuumka ayaa sheegay in talaabo sharci ah ay ka qaadi doonaan askarigii ka dambeeyay dilka Allaha u naxariistee gaashaanle sare Cali Guure Afdhuub.