Kolonyo ay wateen ciidamada AMISOM oo xalay lagu weeraray degaano ka tirsan gobolka Shabeelaha hoose.

0
625

Dagaalo culus ayaa xalay ka dhacay inta u dhexeysa degaanada Leego iyo Yaaqbiri-weyne ee gobolka Sh/hoose kaasoo dhexmaray ciidamo ka tirsan AMISOM iyo xoogaga Al-Shabaab.
Wararku waxay sheegayaan in dagaalkaas uu qarxay markii xoogaga Al-shabaab ay wadada u galeen kolonyo gaadiid ay wateen ciidamada AMISOM oo xili habeenimo ah ku safrayey degaanadaas.
Dagaalkaas ayaa waxaa la sheegay inuu muddo socday, iyadoo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana wararka qaar ay sheegayaan inuu ka dhashay khasaare xoogan oo labada dhinac gaaray, iyadoo la xaqiijiyey in mid ka mid ah gaadiidka AMISOM ay waxyeelo soo gaartay.
Ma cadda khasaaraha nafeed ee labada dhinac isku geysteen, mana jiro war illaa hadda ay ka soo saareen dagaalkaas, hase ahaatee dagaalkii xalay ayaa lagu tilmaamay inuu ahaa mid ka mid ahaa dagaaladii ugu ba’naa ee mudooyinkan ka dhaca gobolka Sh/hoose.
Ciidamo ka tirsan dowlada oo ku hubeysan gaadiid dagaal ayaa markii dambe waxay u gurmadeen ciidamada AMISOM ee dagaalku uu qabsaday, waxaana saaka degan xaalada goobihii xalay lagu dagaalamay oo ay joogaan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada.