Diyaaradaha MuqdishoU Soo Daabuli Jirtay Qaadka Oo Galinkii Dambo Ee Maanta Soo Gaartay Garoonka Aadan Cade.

0
574

Magaalada Muqdisho Ayaa maanta Waxaa Ka Jirtay Qaad la’aan Balse Galabta Ayaa
Garoonka Aadan Cadde ka soo
caga dhigtay diyaarado Qaad
sida, oo ka soo amba baxay
Magaalada Nairobi Ee Kenya.

Waxaa Si Joogta Ah Maalin Walbo Loo Keenaa Qaadka Magaalada
Muqdisho waxaana maanta dib u dhac uu ku yimid xilliyada
caadiga ah ee Caasimada Qaadka
Soo Gaari Jirtay.

Hakadka ku yimid Qaadka
Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa sabab looga dhigay
burburka ku yimid diyaarada
Militariga ee Itoobiya, oo saakay
uu dab ku qabsaday Garoonka
Aadan Cadde Ee Muqdisho Iyadoona
Ilaa laba diyaaradood Qaad Siday oo ka soo
amba baxay dalka Kenya, Soona Gaartay Garoonka waxaa
gawaari xamuul ah looga soo
daabulay Garoonka waxaana Sida Caadada Ah la geeyaa
halka loo yaqaano Beerta Jaadka
ee Degmada Hodan, halkaasoo
lagu kala qaybiyo, iyadoo dadka
ka ganacsada Qaadka, ay u kala
qaadaan Degmooyinka Gobolka
Banaadir.