Xarakada Dagaalyahanada Alshabaab oo guulo ka sheegtey dagaalo ay ku qaadeen ciidamada kenya ee soomaaliya ku sugan.

0
77

Guulahan oo ay xarakada dagaalyahanada alshabaab ka sheegteen,dagaalo ay ku qaadeen ciidamada kenya ee ku sugan gudaha dalka soomaaliya gaar ahaan jubbooyinka ayey ku sheegeen in ay kaga dileen 8 askeri halka ay 20 in kabadan kaga dhaawaceen dagaal gaadmo ah oo ay ku qaadeen ciidamo kenyaan ah oo ku sugnaa deegaanka Qooqaani ee gobolka j/hoose.

Afhayeenka dhanka hawlgalada dagaalyahanada alshabaab c/raxmaan abuu muscab oo la hadlayey warbaahinta ayaa sidoo kale sheegey in ay guul tahey baqa cararka ay ciidamada itoobiya uga baxeen meelo kamid ah gobolka baay,ayna mid kasta ciidamada huwanta isasoo baheystey ah ku qasbi doonaan in ay ka baxaan soomaaliya iyaga oo duleysan,xabadda mujaahidiintuna ay dhegahooda kasii yeeridoonto hadiiba ay ka baxsadaan,ayna sii labanlaabi doonaan hawlgalada ka dhanka ah shisheeyaha iyo shisheeye kal-kaalkaba.

Sheegashadan ay sheegteen dagaalyahanada alshabaab ayeyna dawlada kenya waxba ka dhihin,waxeyna kusoo beegmeysaa iyadoo dawlada kenya nin u hadley wasaarada arrimaha debedda uu sheegey in ciidamadoodu ay soomaaliya u joogaan dano gaar u ah dalka kenya aysana ku jirin ciidamada Amisom ee soomaaliya ku sugan.