Arrinta shekh Xasan Daahir Aweys oo sii adkaatey iyo kulan ay ka yeesheen Beelaha Habargidir iyo Mudulood.

0
382

Kulankan ay gogasha u dhigeen beesha habargidir walaalahooda mudulood ayaa lagaga hadley arrimo ku saabsan sida dawlada uu madaxweynaha kayahey xasan sheekh ula dhaqantey hugaamiyaha kasoo baxsadey alshabaab xasan daahir aweys iyo wax garadkii iyo masuuliyiintii cadaado kasoo galbiyeyba.

Sidoo kale beesha gogosha dhigtey ayaa walaalahood hor dhigey in looga baxey balamo dawladu la gashey,gaar ahaana madaxweynuhu ka balanqaadey beeshan cabashada soo bandhigtey,waxeyna dood iyo falaqeyn kadib isla ogolaadeen beelaha walaalaha ah ee gogosha ku kulmey qodobadan.

1 waxey beelaha mudulood uga garaabeen walaalahooda habargidir cabashada iyo balan xumada lagula kacey,ayna ka xunyihiin in sidaas wax u dhacaan.
2 in walaalaha gogosha dhigey ay ka war sugaan walaalaha mudulood si ay jawaab uga raadiyaan dawlada iyo xasan sheekh maxamuud.
3 walaalaha mudulood ayaa beesha habargidir u sheegey in ay isku mawqif ka qaadan doonaan hadii ay dawlada iyo m/weynaha kala kulmaan diidmo iyo balan ka bax.

Kulankan oo kusoo dhamaadey is afgarad iyo jawi hagaagsan ayaa kusoo beegmaya xili wax garadka beesha habargidir ay sheegeen in mar labaad looga baxey balan ay la galeen m/weyne xasan sheekh taas oo la xiriirta xalinta arrimaha hugaamiye xasan daahir aweys oo gacanta ugu jira dawlada federalka soomaaliya,waxeyna u muuqataa in arrinta xasan daahir aweys ay sii galeyso meel madaw iyo quus rajo xumo salka ku heysa.