Waxaa maanta ka dhacay banaanka hore ee safaaradda dalka Kenya ay ku leedahay dalka maraykanka gaar ahaan Magaalada Washington banaanbax looga soo horjeedo joogitaanka ciidanka Kenya ee magaalada Kismaayo ay joogaan.
Banaanbaxayaasha ayaa ku eedeyay dowladda Kenya inay xasuuq ka gaysatay magaalada Kismaayo oo ay sheegen inay dishay dad Somali ah oo aan waxbo galabsanin.
Mid kamid ah banaanbaxayaasha oo lagu magacaabo Aadan C/laahi oo ku magic dheer Shibbirlees ayaa sheegay in dowladda Kenya aysan dhex dhexaad ka ahayn arrimaha jubbooyinka isla markaasna ay dhinac la safatay iyadoo uu sheegay inay dil u gaysatay dad badan oo Somali kuwaas oo rayid ahaa.
Banaanbaxaan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay ururo dhalinyaro kuwaas oo ka yimid gobolka Ohaio ee dalka Maraykanka isla markaasna ay sheegen inay doonayaan in caalamka tusiyaan dhibaatada ay Kenya ku hayso shacabka somaliyeed.




