Barlamaanka oo cod buuxda ku diiday Hindise Sharciyeedka Xafiiska Gardoon.

0
269

Kulan ay maanta magaalada Muqdisho ku yeesheen Xubnaha golaha Baarlamaanka Somalia magaalada Muqdisho ayay kaga doodeen hindiso Sharciyeedka xafiiska Gardoon.
Xildhibaan Saadaq oo ah guddoomiyaha guddiga Baarlamanka ee garsoorka,Diinta iyo Awqaafta ayaa u soo jeediyay xubnaha barlamaanka hindise Sharciyeedka Xafiiska isagoo ka hor aqriyay xubnaha barlamanka isagoo sharaxaad ka bixiyay xafiiskaas.
Xildhibaan Cabdi Barre oo kamid ahaa xildhibaanadi diidan hindise sharciyeedka Xafiiska gadroon ayaa sheegay in aan loo baahnayn xilligaan xafiiskaas iyadoo uu sheegay inuu yahay xafiiis aan haatan la jaan qaadi Karin dalka oo sharci darro ku jiray inka badan 20 sannadood.
Xafiiskaan Gardoon ayaa ah xafiis loogu talo galay in loo dacwoodo ka hor inta aan la tagin maxkamadaha oo dadweynaha ay u dacwoonayaan ka hor maxkamadaha.
Jeylaani Nuur Ikar oo ah guddoomiye ku xigeenka Barlamaanka oo shir guddominayay barlamaanka ayaa ku dhawaaqay natiijada codka loo qaaday hindise sharciyeedka xafiiska gardoon iyadoo 49 xildhibaan ay ogolaatay,waxaana diiday 106 xildhibaan iyadoo ay ka aamustay 10 mudane sidaas awgeedna uusan sharci noqon Karin xafiiskan Gardoon.