Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya suuqa Weyn ee Bakaaraha in kooxo Hubaysan ay dil ugu gaysteen ciidamo ka tirsan dowladda Somalia oo halkaasi ku sugnaa.
Ciidamadaan ayaa la dillay xilli ay marayeen gudaha suuqa Bakaaraha waxaana weerar gaadmo ah ku qaaday kooxo hubaysan oo dilay labo ka tirsan ciidamada halka ay ku dhaawaceen mid kale oo ka tirsanaa ciidankaas.
Dad goob joogayaal oo ku sugnaa Suuqa Bakaaraha ayaa sheegaya in kooxahaan ay isaga baxsadeen goobta kadib markii ay dilka gaysteen.
Si kastaba Suuqa Bakaaraha ayaa ah goob ku caan baxday dilalka ciidamada iyo dadka rayidka ah.




