Shir la sheegey in uu kambaala uga furmayo xubno dawlada federalka ah ee xasan sheekh hugaamiyo kasoo horjeeda.

0
484

Shirkan oo qabanqaabadiisu si hoose uga socoto kambala xarunta dalka ugandha iyo meelo kale oo gudaha dalka soomaaliya ah ayaa waxaa qeyb ka ah madax ruug cadaa siyaasadeed ah kuwaas oo kasoo horjeeda sida ay ururka damul jadiid isugu wareejiyeen taladii dalka iyagoo raba in ay dawladan xasan sheekh hugaamiyo jilbaha u dhigaan,lagana mid dhigo ama la raaciyo ikhwaanka masar iyo m/weynihii xukunka laga tuurey Mursi.

Madaxda isugu tageysa kambala ayaa waxaa geed fadhi u ah m/weynihii hore ee soomaaliya sheekh shariif sheekh axmed oo sameynaya isbaheysi mugweyn oo ay ku kulansanyihiin madax caan ah oo dalka hore usoo hugaamisey sida: r/wasarihii hore cali maxamed geedi,r/wasarihii hore maxamed cabdulaahi farmaajo,r/wasarihii hore c/wali cali gaas,xildh c/wahaab ugaas khaliif,c/raxmaan baadiyow,shariif xasan sheekh aadan iyo kuwo kale oo farabadan.

Kulankan oo lagu daahey salaam iyo siyaaro loogu tageyo m/weynihii hore sheekh shariif ayaan aheyn sida loo sheegayo balse wadata qorshe looga soo horjeedo laguna mijo xaabinayo maamulka waqtigan kaas oo hadii uu hirgalo soomaalida ku keeni kara dib u dhac iyo dhabar jab dalka kusoo wajahan oo loo baahanyahey in laga hortago inta goori goor tahey,waayo dulmi iyo xeerka oo la dhawri waayo waatan ishaa noo yeeshey ama meesha na dhigtey,waxaana maamulka waqtigan talada haya la gudboon in ay siyaasada furfuraan dalkana u gudbiyaan nidaamka xisbiyada badan si aan madaxtooda uun loo soo eegin ee ay bulshadu danahooda ku mashquulaan.