Madaxweynaha dawlada federalka soomaaliya prof. Xasan sheekh maxamu’d ayaa si cad u sheegey in sheekh xasan daahir aweys uu yahey maxbuus si nidaamka dalka waafaqsan warqad xalaaleyn ah xeer ilaalinta looga soo jarey,taas oo meesha ka saartey balan ay sheegeen in uu madaxweynuhu lagaley,aheydna in arrinta sheekhu ku dhamaaneyso mudo todobo beri ah.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale meesha ka saarey sheegeyna in aysan jirin balan odayaasha habargidir uu ugu direy shekh xasan,timaameysana in aan sheekha hadii ay keenaan waxba loo raacan doonin,taas oo dadbadan hore looga dhaadhiciyey sheekhana lagu soo wadey,hadaba su’aasha soo baxeysa ayaa ah ma odayaasha sheekha keeney ayaa khiyaaney oo sheekh xasan gacan geliyey mise m/weyne xasan sheekh ayaa kuligood khiyaaney,balantiina uga baxey?
Si kastaba ha ahaatee waxaa meesha ka baxeysa warar leysla dhexmarayey oo sheegayey in sheekh xasan daahir aweys uusan cidna u xirneyn ee dawladu amnigiisa ilaalineyso,iyadoo madaxweynuhu sheegey in sheekhu qeyb ku lahaa dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacey,balse aysan jirin shisheeye leh ha naloo soo gacangeliyo danbiyo ayaan u heysanaaye.
Hadalkan m/weyne xasan sheekh ayaa u muuqanaya in xasan daahir aweys maxkamad la horgeyn karo maadaama ay xeer ilaalintu xalaaleyn maxbuus bixisey,ayna qasab tahey in ay soo eedeyso iyadoo qodobo cuskaneyso.




