RW Saacid oo ku sii jeeda Baydhabo iyo qaban-qaabo lagu soo dhoweynayo oo magaaladaas ka socota.

0
527

Raisul wasaaraha Somalia iyo wafdi uu horkacayo ayaa saaka ka dhoofay magaalada Muqdisho, iyagoo ku sii jeeda magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.
Wafdiga raisul wasaare Saacid oo ay ka mid yihiin wasiiro, xildhibaano iyo saraakiil ciidan ayaa lagu wadaa iney magaalada Baydhabo gaaraan saacadaha soo socda ee maanta, halkaasoo ay kulamo kula soo yeelan doonaan madaxda maamulka gobolka waxgaradka iyo qeybaha bulshada.
Qabanqaabo lagu soo dhoweynayo raisul wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa ka socota magaalada Baydhabo, waxaana si weyn loo xoojiyey amaanka, ciidamo badan ayaa lagu daadiyey wadooyinka magaalada iyo wadada u baxda garoonka dayuuradaha
Inkastoo RW Saacid uu horey safaro badan ugu kala bixiyey qaar ka mid ah gobolada dalka ayaa safarkani waxaa uu noqonayaa kii ugu horeeyey ee uu magaalada Baydhabo ku tago tan iyo markii xilkaas loo magacaabay sanadkii hore dabayaaqadiisii.
Magaalada Baydhabo waxaa gacanta ku haya ciidamada dowlada Somalia oo taageero ka helaya kuwa Itoobiya iyo AMISOM.