R/wasaare saacid oo kulan la qaatey shabaabka muqdisho kana codsadey in la joojiyo qaraxyada.

0
606

Waxaa maanta kula kulmey madaxtooyada jamhuuriyada soomaaliya villa soomaaliya r/wasaaraha soomaaliya iyo qaar kamid ah wasiirada xukuumada dhalinyaro la sheegey in laga soo xuley dhalinyarada gobolkan banaadir.

R/wasaaraha iyo wasiiradiisa ayaa u muuqda in ay faraha la galeen hawlo laga leeyahey loona baahanyahey in ay bixiyaan amaro iyo qorsheyaal lagu wacyi galiyo dhalinyarada soomaaliyeed,wasaarada adeega bulshada ayaana ku fashilantey qorshaha wacyigelineed iyo sidii dhalinyarada shaqo loogu abuuri lahaa,xitaa xukuumadu waxey awoodi weysey in ay adeegsato ama la shaqeeyaan ururada dhalinyarada dalka gudihiisa ka jira,waxaana dhalinyarada dalka gudihiisa ku nooli ay qabaan aragti ah in xukuumada saacid aysan wax mudnaan ah siineyn dhalinyarada gudaha dalka ku nool balse ay mudnaanta siiso dhalinyarada qurbaha ku nool.

Kulankan xukuumadu la yeelatey dhalinyarada ayaa kusoo beegmaya iyadoo xukuumada dr saacid sugi weydey amniga magaalada muqdisho,waxeyna u muuqataa in xukuumada ay hada doorbidey in ay qabtaan hawshii gobolka banaadir iyo gudoomiyeyaasha degmooyinka gobolka banaadir,aragtida siyaasiinta ayaa tilmaamaya in xukuumada dr saacid ku fashilantey hawshii loo igmadey ayna kursiga iska fadhido ee aysan wax horumar ah wixii loo igmadey.