Ciidamada raaskamboodi oo labo haween ah kismaayo ku toogtey.

0
684

Hawlgal ay ku sheegeen ciidamada raaskamboodiyiinta kismaayo qabsadey oo ay garab siinayaan ciidamada kenya ayaa waxaa lagu diley labo haween ah kuwaas oo kamid ahaa gabdho caan ka ahaa magaalada kismaayo kuwaasoo lagu kala magacaabi jirey Xamdi iyo Fadxi,iyadoo la sheegayo in dad badan nolasha lagu watey kuwaasoo aan la ogeyn meel la geeyey.

Dhinacyo badan oo kismaayo looga adkaadey ayaa sheegaya in raaskamboodiyiinta aysan aheyn waxa kismaayo kasoo saarey balse ay yihiin ciidamada kenya oo dano gaar ah oo guracan ka leh kismaayo,dhanka kale kusimaha xoghayaha arrimaha bulshada oo warbaahinta la hadley ayaa sheegey in gabdhaha la diley ay wadeen qaraxyo ay doonayeen in wax lagu yeelo ciidamada amniga ee kismaayo ka hawlgala,isagoo sidoo kale sheegey in ay qabteen hub ka yimid dawlada jabuuti,taas oo u muuqata in dagaalka raaskamboodi uu hada dhaafey dawlada federalka una gudbeen qaar kamid ah dawladaha igad oo ay jabuuti kamid tahey.

Dilalkan iyo eedeymahan cusub ayaa kusoo beegmaya xili ay dhawaan jabhadda raaskamboodi oo ay taageerayaan ciidamada kenya ay si xoog ah kula wareegeen magaalada kismaayo,lagana soo saarey dhawr madaxweyne oo kismaayo isku magacaabey sida axmed madoobe uu isu magacaabey,dawlada federalkana ku dhaleeceysey in ay ka danbeyso dagaalada kismaayo ka dhacey oo ay kula wareegeen gacan ku heynteeda.

Xukuumada uu hugaamiyo dr saacid ayaan ka hadlin dilka iyo tacadiyada ka socda kismaayo,waxeyna indhaha ka laabatey gaboodfalo xitaa lagu sameeyey qaar kamid ah ciidamada xooga dalka oo kismaayo ku sugnaa maantana hawdka iyo meelo ka baxsan magaalada habqankooda iyo hadalkooda laga soo sheegayo,taas oo ah nasiib daro iyo dayacaad aan xukuumada cidi la wadaagin,mana muuqato la xisaabtan xaga xubnaha baarlamaanka ka imaneysa,shacabkuna waa mid niyadiisu hore u dhimatey.