M/weyne xasan sheekh oo kulan la qaatey gudi u xilsaaran in ay soo diyaariyaan qodobada shirka biljemka ka dhicidoona bisha septenber ee sanadkan.

0
617

Kulankan oo uu madaxweynuhu la yeeshey xubno loo magacaabey in ay soo diyaariyaan qodobada ay dawlada federalku la tegidoonto shirka bijemka ka dhicidoona bisha septenber ee soo socota ayaa madaxweyne xasan sheekh wuxuu xubnaha ka codsadey in ay muhimada siiyaan waxyaabaha lagamamaarmaanka ah ee dawladu u baahantahey isla markaasna gacan ka geysanaya dib u dhiska iyo deganaanshaha dalka.

Shirkan oo la filayo in ay wada gudoomiyaan m/weyne xasan sheekh iyo gabadha midawga yurub u qaabilsan siyaasada catriin ashtoon ayaan la ogeyn waxa uu uga bedelnaan doono shirarka afka baarkiisa ahaa ee hore loogu qabanjirey soomaalida,hase ahaatee madaxweynaha ayaa isu arka mid ka duwan m/weynayaashii dalka söo marey,kuna kalsoon miradhalka shir kasta oo bulshada caalamku u qabato soomaalida waqtigan uu isagu dalka hugaamiyo.

Afhayeenka madaxtooyada ayaa warbaahinta u sheegey in m/weynuhu xubnaha kula dardaarmey in ay soo diyaariyaan qodobo dalka iyo dadka wax u taraya oo ay midawga yurub fahmi karaan,kuna xisaabtamaan waqtiga dunidu mareyso,wuxuuna kulankani imanayaa iyadoo dhawaan muqdisho ay imanayeen xubno ka socda midawga yurub iyo safaarado cusub oo ay muqdisho ka furanayaan,isla markaana qaarkood sheegeen in ay dawlada soomaaliya kala tashanayeen shirka beljemka ka dhici doona 16ka septenber ee sanadkan 2013ka.