Afhayeenka dowladda Kongo ayaa waxa uu sheegay in ay Jiraan dhaq dhaqaaqyo ka tirsan Xarakada Al Shabaab oo Soomaaliya ka dagaalanta oo gaartay dalka Uganda kuwaasi oo kaga soo tallaabtay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Kongo kaasi oo ay ku suganyihiin fallaago ka soo horjeeda dowladdaasi.
Afhayeenkaan oo Lagu Magacaabo Lamberta Mundi ayaa waxa uu sheegay in Al Shabaab oo Shabakad ah ay tageen dalka Ugand iyagoo La midoobay Kooxda Mucaaradka ah ee lagu Magacaabo National army for the liberation Uganda kuwaas oo uu sheegay in ay doonayaan in ay gacanta ku dhigaan Waqooyiga halka loo yaqaanno Kevu.
Kooxdaan Fallaagada ah ayaa dhowr jeer oo hore lagu eedeeyay gabood fallo iyo Xasuuq ka dhan ah dadka Rayid ah kuwaasi oo ay ka geysteen Waqooyiga Kevu iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo.
Sikastaba Al Shabaab ayaa ka mid ah Kooxaha qeybta ka ah Liiska Argigixisada Caalamiga ee ka hana qaaday qaaradda Afrika.




