Banaan bax looga soo horjeedo ciidamada dalka kenya ee kismaayo kusugan oo Jawhar ka dhacey.

0
487

Debed bax balaaran oo looga soo horjeedo joogitaanka ciidamada kenya ciida soomaaliya ayaa ka dhacey gobolka sh/dhexe magaalada jawhar,waxeyna dadka soo banbaxey ku dhawaaqayeen erayo lidi ku ah ciidamada kenya iyo in ay cambaareynayaan ciidamada kenya ee kismaayo dad rayid ah ku laayey,gabdho soomaaliyeedna ku kufsadey.

Waxaana banaanbaxa kasoo qeybgaley qaar kamid ah maamulka gobolka sh/dhexe,daa’uud xaaji cirro afhayeenka gobolka sh/dhexe oo warbaahinta hadal siiyey ayaa sheegey in ay cambaareynayaan ficilka guracan ee ay ciidamada kenya kismaayo kula kaceen muwaadiniinta soomaaliyeed ee ay deegaanadooda ugu yimaadeen iyagoo markii hore sheegayey in ay caawinayaan,dawlada soomaaliyana taageerayaan.

Banaanbaxan jawhar ka dhacey loogana soo horjeedo ciidamada ka socda dalka kenya ee kismaayo ku sugan ayaa kusoo beegmaya iyadoo m/weyne xasan shekh maxamu’d sheegey in xiriirka walaalnimo iyo siyasadeed ee u dhaxeeya kenya iyo soomaaliya uu meel aad u wanaagsan marayo wax mad madaw ahna aysan dhexdooda ku jirin wixii kismaayo ka dhaceyna ay baaritaan kadib kala xisaabtamayaan madaxda Amisom.