Midowga Yurub Oo Baaq U Diray Dalalka Deriska La Ah Soomaaliya.

0
614

eu-flag-webMidowga Yurub ayaa ka dalbaday dalalka ood wadaagga la ah Soomaaliya inay ka qeybqaataan xasilinta iyo wada-hadallo siyaasadeed oo Soomaaliya ka dhaqan gala.
Warbixin uu soo saaray Ururka Midowga Yurub ayaa lagu muujiyay muhiimadda ay wadamada dariska ah ka qaadan karaan nabadda, iyo horumarka Soomaaliya.
Sidoo kale warbixinta ayaa lagu xusay sida ay lagama maarmaanka u tahay in dalalka dariska ah iyo beesha caalamkuba ay u dhiirrigeliyaan wada-hadallada siyaasadda iyo caawinta dib u heshiisiinta oo ay diyaar u tahay inuu ka gacan siiyo Ururu-goboleedka IGAD.
“Wada-shaqeyn gobol oo dhab ah kaliya door kama cayaareyso in Soomaaliya xal loo helo, balse waxay sidoo kale gacan ka geysanaysaa jawi xasilloon oo weyn iyo barwaaqo uu gobolku gaaro” ayaa lagu yiri warbixinta Midowga Yurub.
Dhinaca kale, Midowga Yurub wuxuu soo dhoweeyay isbeddellada Siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya, wuxuuna dowladda iyo baarlamaanka federaalka ah ku ammaanay dedaallada isbeddel doonka ah.