Qarax xoogan oo daryankiisa laga maqlayey meelo badan ayaa saaka waaberigii hore ka dhacay guri la aaminsan yahay in lagu diyaarinayey oo ku yaala degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.
Sida ay wararku sheegayaan qaraxan ayaa ka dhacay guri aan wax badan ka fogeyn xerada Xalane oo hadda ah taliska dhexe ee ciidamada AMISOM, waxaana dad goob joogayaal ahi sheegeen in ugu yaraan labo ruux ay qaraxaas ku dhinteen, qof kalena uu ku dhaawacmay.
Gudoomiye ku-xigeenka maamulka degmada Wadajir Macalin Max’uud Saney oo ka mid ahaa masuuliyiin iyo ciidamo gurigaas gaaray ayaa sheegay in labada ruux ee geeriyootay ay ahaayeen kuwii qaraxaas diyaarinayey, uuna weli socdo baaritaan.
“In labada qof ee dhimatay ay qaraxa diyaarinayeen waxaa cadeynaya waxaan isla gurigaas ka helnay, hub kala nooc ah oo isugu jira qoryo fudud, bambooyin, rasaas, bastoolado iyo miinooyin kale oo aan qarxin” ayuu yiri Macalin Maxuud Saney oo ka jawaabayey su’aal la weydiiyey oo aheyd waxa cadeynaya in labada qof ee dhintay ay ahaayeen kuwii qaraxaas diyaarinayey.
Goob joogayaal ka mid ahaa dadka degaanka ayaa sheegaya in qaraxaas uu burbur xoogan u geystay qeybo ka mid ah gurigaas, ayna goobtaas ku sugan yihiin ciidamo isugu jira AMISOM iyo kuwa dowlada oo gurigaas ka wada baaritaano kala duwan.
Maahan markii ugu horeysay ee qarax noocan ah uu ka dhaco guryo lagu farsameynayey qaraxyo, waxaana guryo ku yaala meelo kala duwan oo ka tirsan magaalada Muqdisho horey uga dhacay qaraxyo noocan ah oo ay ku dhinteen intooda badan dadkii diyaarinayey.




