Kooxo Burcad Koofur Afrikaan ah ayaa muwaadin Soomaaliyeed xalay ku dilay Goob ganacsi oo uu ku lahaa magaalada Ceptown ee dalkaasi.
Fiidnimadii xalay ayaa koox burcad ah oo ka koobnaa Sadex ruux oo ku hubeysnaa Bastoolado waxa ay weerar ku qaadeen dukaan ay leeyihiin ganacsato Soomaali ah oo ku yaala xaafado hoosyimaada Ceptown.
Kooxda Burcada ah ayaa waxa ay rasaas ku fureen goobta ganacsiga, waxaana halkaasi ku geeriyooday muwaadin Soomaali ah oo magaciisa lagu sheegay Allaha u naxariistee C/qaadir Axmadeey Cali, sida uu xaqiijiyay mid ka mid ah ehelada Marxuumka oo xalay la hadlay Warbaahinta gudaha dalka.
Ciidamo Booliis ah ayaa goobta gaaray kadib markii ay baxsadeen burcaddii geystay dilka, si kastaba ha haateen 24-kii saac ee la soo dhaafay ayaa dalka Koofur Afrika waxaa lagu dilay ila Sadex Muwaadiniin Soomaalia ah.




