Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu sheegay in dhaqaalaha dalka soo gala ee caalamku ku deeqo si siman loo qeybsan doono si looga shaqeeyo cadaalada.
“Dhaqaalaha dalka Soomaaliya waa loo simanyahay cid walibana qeybta ay ku leedahay ayaa kasoo gaari doona. Ma jirto cid cid kale dhaqaale ay xaq u laheyd ka hor istaagi karta gobolada iyo maamulada ayaa loo sii marin doonaa iyadoo culeyska la baahida gobol kasta ka jirta”, Madaxweynaha ayaa sidaa ku waramay.
Madaxweyne Xassan Sheekh maxamuud ayaa intaa raaciyay hadalkiisa, “Annagu waxaa nahay hal dal oo Soomaaliya la yiraahdo. Dowladu iskumakoobi doonto dhaqaalaha dowlada lagu yaboohayo marka uu dhaco shirka Belgium-ka. Dhamaan Soomaalida wuu gaarayaa”.
Qeybsiga dhaqaalaha ee madaxweynuhu shaaciyay ayaa waxa uu wax badan niyad wanaag ku beerayaa maamula badan oo dalka kajira kuwaas oo ku jaha wareersanaa sida ay saami uga heli karaan dhaqaalaha beesha caalamku ay ku deeqaan dowlada Federal-ka Soomaaliya. Maamulada sida adag ula xisaabtama dowlada ayaa waxaa ka mid ah Puntland, iyadoo madaxweynaha maamulkaas C/raxmaan Faroole uu dhowr jeer ku eedeeyey dowlada Somalia iyo kuwii KMG ahaa ee ka horeeyey iney isku koobeen dhaqaalaha Somalia loogu deeqo, uusana soo dhaafin magaalada Muqdisho.




