Xiisado dagaal ayaa ka taagan degaano u dhexeeya degmada Afgooye iyo magaalada Marka ee gobolka Sh/hoose kuwaasoo ka dhex maleeshiyo beeleedyo iska soo horjeeda oo gacan ka helaya ciidamo ka tirsan dowlada oo degaanadaas ku sugan.
Maleeshiyooyinka beelaha Habar-gidir iyo Biyamaal ayaa wada isu hub urursi, waxaana laga cabsi qabaa in labada dhinac uu dhexmaro dagaal toos ah oo dhibaato geysta, iyadoo odayaasha iyo waxgaradka labada dhinac ay warbaahinta isu marinayaan hadalo kulul.
Iimaan Khaliif C/llaahi Rooble oo ka mid ah waxgaradka beesha Habar gidir ayaa sheegay in maleeshiyada beesha Biyamaal ee ku sugan Sh/hoose ay ka waayeen nabad ayna diideen wadahadal sidaas awgeedna ay qaadayaan talaabooyin isk caabin ah, isagoo abaanduulihii hore ee XDS Jen. Dhegabadan ku eedeeyey inuu hubeynayo beesha Biyamaal.
Hase ahaatee Ugaas C/llaahi oo ka mid ah waxgaradka beesha Biyomaal ayaa beeniyey eedeynta Iimaan Khaliif C/llaahi Rooble uu u jeediyey beeshiisa iyo Jen.Dhegabadan, wuxuuna taa bedelkeed sheegay in dhibaatooyin badan oo isugu jira dil, dhac iyo kufsi loo geystay beeshiisa dadka ku atirsada, isagoo xildhibaano ka tirsan baarlamankana ku eedeeyey iney sii hurinayaan colaada ka taagan gobolka Sh/hoose.
Maalmihi la soo dhaafay ayaa waxaa ka dhacay gobolkaas dilal iyo dhaawacyo loo geystay saraakiil, ciidamo ka tirsan dowlada iyo dad shacab ah oo labada dhinac ka soo jeeda kuwaasoo xaalada uga sii daray.
Shalay ayey aheyd markii xildhibaanada Baarlamanka Somalia ay dalbadeen inuu maalinta Axada hor yimaado wasiirka arrimaha gudaha iyo amaanka Qaranka ee xukuumada Somalia C/kariin Xuseen Guuleed si ay wax uga weydiiyaan xiisadaha iyo falalka amaan daro ee ka jira gobolada Banaadir iyo Sh/hoose.




