Golaha amaanka QM ayaa cambaareeyay hubka sida sharci darada ah ugu soo qulqulaya Somalia, isaagoo Arbacadii shalay aheyd soo saaray qaraar lagu cambaareynayo hubka galaya Somalia taasi.
Xubnaha golaha amaanka ee QM ayaa waxay sheegeen in arintani ay meel ka dhac ay ku tahay xayiraadii hubka ee la saaray dowladaha Somalia iyo Eretria.
Golaha amaanka ayaa qaraarkiisu waxa uu xusayaa oo si wadajir ah ay ugu codeeyeen 15-ka xubnood ee golaha amaanka in inta laga gaarayo bisha March sanada 2014-ka aan Somalia laga qadin xayiraadii hubka sidoo kalana awood aysan u lahayn in shixnado milateri ay soo iibsato.
Arimahasi oo dhan ayaa golaha amaanku waxa uu shegay inay ku imaan karto in la horumariyo awooda ciidamada amaanka Somalia iyo xoojinta amaanka dalka.
Golaha waxaa uu sheegay in hubkaasi kaliya ay Somalia gudaheeda ku qaadan karaan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM iyo tababarayasha ka socda Midowga Yurub ee ciidamada Somalia ku tababaraya magaalada Muqdisho.




