Ciidamada Nabad Sugidda Somalia oo soo baneeyay Fariisimiha ay ku lahaayeen Gobolka Shabelaha Hoose.

0
471

Wararka ka imaanaya Deegaano ka tirsan Gobolka Shabelaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Nabad Sugidda Qaranka ay soo faarujiyeen fariisimihii ay ku lahaayen Afgooye iyo Ceelasha Biyaha.
Sida ay sheegayan goob joogayaal ku sugan Magaalada Afgooye iyo Deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa sheegaya in Ciiidamada Nabad Sugidda ay isaga soo baxeen Halkaas.
Galinkii Dambe maanta ayay ciidamada nabad sugidda Bilaabeen inay isaga soo baxaan goobahaas iyadoo ciidamada Nabad Sugidda deegaankii ugu dambeeyay ee ay kasoo baxeen uu ahaa Deegaanka Ceelasha Biyaha halkaas oo ay soo baneeyen xilligii afurka.
Lama oga sababta ka dambeyso kasoo bixitaanka ciidamada Nabad Sugidda deeganadaas laakin wararka qaar ayaa sheegaya inay ka cabanayaan mushaar la’aan lasoo daristay ciidankaas.