Sariifkii Somalia Dalka Koofur Afrika oo geeriyooday.

0
481

Waxaa saakay ku geeriyooday Magaalada Pretoria ee dalka Koofur Afrika Safiirkii Somalia u joogay dalkaas Sayid Xasan Shariif.
Marxuum Sayid Xasan Shariif ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku xanuunsanayay magaalada Pretoria ee dalkaas iyadoo uu saakay ku geeriyooday isbitaal ku yaallo magaladaas.
Wasaradda Arrimaha dibadda dalka Somalia ayaa tacsi u diray Ehelka safiirka uu ka geeriyooday sidoo kale Golaha Baarlamanka ayaa iyana Tacsi u diray eherlka Sayid Shariif Xasan.
Ambasador Sayid Shariif Xasan ayaa ku dhashay degmada Baardheere sanadkii 1952-dii isagoo waxbarashadiisa uu kusoo qaatay magaalooyinka Baydhabo iyo Muqdisho.
Meydka Safiirka ayaa lagu wadaa in maalmaha soo aadan loo soo qaado magaalada Muqdisho halkaas oo aas qaran loogu sameenayo.