Shirkii u dhaxeeyey soomaalida isdiidan oo turkiga kusoo gabangaboobey iyo qodobo lagu heshiiyey.

0
513

Shirkan oo ay ku wada hadlayeen ergooyin ka kala socda somaliya iyo gobolada waqooyi oo iyagu isku magacaabey somaliland kaas oo ahaa kulankii 4’aad ee ay labada dhinac yeeshaan,wuxuuna galey marxalado adag oo uu ku dhawaadey in lagu kala tago burburna ku dhamaado.

Ergooyinka labada dhinac oo ay kala hugaaminayeen labada wasiir ee kala ah c/kariim xuseen guuleed w/arrimaha gudaha iyo amniga qaranka somaliya iyo maxamed c/hi oo ah w/ganacsiga iyo maalgashiga s/land,waxeyna labada dhinac saxiixeen oo ay isku afgarteen 3 qodob oo kala ah:-
1 in la sameeyo gudi kakooban labada dhinac oo qaramada midoobey kala wareega maamulida hawada soomaaliya iyadoo xaruntoodu gudigaas ay noqondoonto magaalada hargeysa ee xarunta s/land.
2 in lasii wado wadahadalada,afar bilood kadibna leysu soo noqdo la tashiyo ay lasoo yeeshaan madaxda kala hugaamisa labada dhinac.
3 in madasha kulanka leysugu imanayo ay noqoto turkiga oo inta badan martigeliyey wada hadalladan ay soomaalida is diidani lahaayeen.

Ugu danbeyntiina waxaa shirka ka hadley safiirka dalka turkiga u fadhiya dhinacyada wada hadlaya ee soomaaliya,wuxuuna kusoo beegmayaa iyadoo ay kulan ku yeesheen hugaamiyaha puntland c/raxmaan faroole iyo axmed madoobe oo dhawaan taageereyaashiisu m/weynaha jubland iyadoo ay wehliyaan wafdi kasocda ismaamulka soomaalida itoobiya ku hoosnool,taas oo u muuqata in ay yihiin group aan laga qeyb gelin wada hadalada u socda labada dhinac ee soomaaliya.