Dagaalo ayaa xalay ka dhacay degaano ku yaala duleedyada magaalooyinka Baydhabo iyo B/weyne oo xarumo u kala ah gobolada Bay iyo Hiiraan kuwaasoo dhexmaray ciidamada dowlada iyo AMISOM oo hal dhinac ah iyo Al-shabaab.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka hore uu ka dhacay degaano galbeed kaga toosan magaalada B/weyne ka dib markii fariisimo ay halkaas ku leeyihiin ciidamada dowlada iyo AMISOM lagu soo weeraray gantaalaha garabka laga tuuro iyo rasaas kala nooc ah oo daryankooda magaalada laga maqlay.
Iyadoo weerarkaas oo socday muddo kooban ay iska caabiyeen ciidamada dowlada iyo AMISOM oo dhinaca kale saaka degaano ku yaala galbeedka B/weyne ka wada howlgalo ay ku baadi goobayaan kooxihii soo weeraray.
Sidoo kale, degaano ku yaala duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa waxaa iyana xalay waxay dagaalo culus ku dhexmareen ciidamada dowlada iyo xoogaga Al-Shabaab.
Saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada ayaa sheegay in dagaalkaas uu bilowday markii Al-shabaab ay soo weerareen fariisin ay ku leeyihiin inta u dhexeysa degaanka Aw-Diinle iyo degmada Berdaale, isagoo xusay iney iska caabiyeen kooxihii soo weeraray.
Illaa hadda lama oga khasaaraha nafeed ee ka dhashay dagaaladii xalay ka dhacay degaano ku dhow dhow magaalooyinka Baydhabo iyo B/weyne, hase ahaatee waxay ku soo aadayaan xilli Al-Shabaab ay sheegtay iney bishan Ramadaan kordhineyso weerarada ay ku heyso dhinacyada ka soo horjeeda.