Maamulka Axmed Madoobe oo ku eedeyay Ra’iisul Wasaare Saacid inuu wado qorshe abaabul dagaal.

0
342

C/naasir Seeraar oo ah afhayeenka maamulka Jubba-land ee uu hogaaminayo Axmed Madoobe ayaa ku eedeeyey raisul wasaaraha Somalia inuu wado abaabulka dagaalo mar kale lagu soo qaado magaalada Kismaayo.
Afhayeenka ayaa intaan ku daray in raisul wasaaruhu uu taageero milateri siinayo madaxweynayaashii sheegtay maamulka Jubbaland ee looga adkaaday dagaalkii Kismaayo si ay mar kale colaad u abuuraan.
“Qaar ka mid ah raggii madaxwynayaasha sheegtay ee Kismaayo joogay ayuu u yeertay ninka raisul wasaaraha isku sheegaya, haddana waxay la joogaan Muqdisho, isagoo ku dhiirigelinaya iney dagaalo kale ka abaabulaan Kismaayo hubna ugu deeqay” ayuu intaa ku daray afhayeenka.
C/naasir Seeraar ayaa xusay in hub raisul wasaare Saacid ka soo diray Muqdisho uu soo gaaray Col. Barre Hiiraale iyo ciidamo uu wato oo ku sugan duleedka Kismaayo, qeybo kale oo hubkaas ka mid ahna uu wadada ku soo jiro, kaasoo la doonayo buu yiri in lagu carqaladeeyo amaanka Kismaayo iyo maamulka ka jira, isagoo raisul wasaare Saacid ku tilmamay nin caadifad qabiil ay madax martay.
Hadalka C/naasir Seeraar ayaa meesha ka saaraya warar maalmahan soo baxayey oo sheegayay in dowladu ay aqoonsaneyso maamulka Axmed Madoobe ka dib wadahadalo hoose oo dhexmaray labada dhinac si xal waara looga gaaro arrimaha Jubooyinka.