Maxkamada ciidamada qalabka sida oo saaka Muqdisho ku toogatay askar dil lagu xukumay.

0
663

Maxkamada Ciidamad 1 (1)Maxkamada ciidamada qalabka sidda ee dowaldda Somalia ayaa aroornimadii saaka dil toogasho ah ku fulisay afar askari oo ka tirsanaaa ciidamada kuwaasoo horay xukuno dil ah loogu riday.
Fulinta xukunkan dilka ah oo ka dhacay barxada iskoolo Boluusiyo oo ku taala degmada Xamar-Jajab ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku sugnaa saraakiil ka tirsan ciidanka Booliiska, maxkamadda ciidamada qalabka iyo shacab daawanayay qaabka xukunkaas dilka ah loo fulinayey.
Ragga la tooganayey oo dhamaantood ahaa askar ka tirsansanaan jirtay ciidamada dowlada ayaa mid walba sida caadiga ah waxaa lagu xirxiray tiir u gaar ah, waxaana ka dib rasaas ku toogtay askar hortooda safnaa.
Gudoomiyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowlada Somalia Liibaan Cali Yarow oo goobtaas kula hadlay saxaafada ayaa sheegay in raggan la toogtay ay Maxkamadu dhowaan ku xukuntay dil kadib markii ay horey u dileen muwaadiniin Soomaaliyeed.
Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa horey xukuno dil ah ugu fulisay sidan oo kale askar ka tirsan ciidamada dowlada oo lagu helay iney dilal u geysteen dad shacab ah iyo askar kale, waxaana xabsiga dhexe weli ku jira qaar kale oo dil sugayaal ah horeyna maxkamadu ugu xukuntay dil.