Warsame Max’ed Xasan (Warsame Joodax) Gudoomiye Ku Xigeenka
Maamulka Gobolka Banaadir ee
dhinaca amniga ayaa wuxuu ka hadlay falalka amni xumo ee ku soo badanaaya Magaalada
Muqdisho Kaasoo Uu Ku Eedeyey Rag Qaswadayaal Ka Tirsan Shabaabka Siduu Yirri Mr.Joodax.
Gudoomiye Ku Xigeenka ayaa
wuxuu cadeeyay inaan loo
baahneyn in Dowladda oo qura
lagu haleeyo, wax ka qabashada
ammaanka Magaalada Muqdisho,
waayo buu yiri Dowladda oo
kaliya, ma suggi karto ammaanka
Magaalada Muqdisho Isagoona Xusay In dadweynaha reer
Muqdisho, uu ugu baaqay inay
Dowladda kala shaqeeyaan
ammaanka Magaalada Muqdisho,
haddii aysan Dowladda kiligeed
suggi karin.
“War Shacaboow ammaanka
Magaalada Muqdisho nagala
shaqeeya Dowladda oo kaliya
waxba kama qaban kartee Soo
sheega kuwa amni xumida ka
wada Magaalada Muqdisho.
Warsame Maxamed
Xasan Ayaa Al Shabaab waxa uu
ku eedeeyay inay weli dhibaato U
maleygayaan Ummada
Somaliyeed, halka Dowladda uu
ku ammaanay mid naxariis
badan, oo u diir naxda
dhalinyarada Shabaab, kolka
gacanta lagu soo dhigo wuxuuna Wacad Ku Maray In xilligaan
kadib aysan
wax naxariis ah Dowladda u gali
doonin dhalinyarada ka barbar
dagaalamaaya Ururka Al-Shabaab, haddii ay iyagu
noqdeen kuwo bilaa naxariis ah,
sida uu yiri.
Fal kasta oo ka dhan ah amniga
Magaalada Muqdisho, ayaa
waxaa aallaaba sheegta
Masuuliyiinta Ururka Al Shabaab,
iyagoona ku goodiya inay sii
wadi doonaan, amni xumida ka
dhanka ah Caasimada Iyo Guud Ahaan Dalk Soomaaliya.




